10 Askari Kenyaati ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay Mandheera.

Gaari ciidamada Kenya leeyihiin oo ku gubanaya gudaha dhulka Kenya

Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ku jira gacanta dowladda Kenya ayaa ku waramaya  in qarax culus lala eegtay gaari ay wateen ciidamo Kenyaati ah kaas oo socdaal ku jiray.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Libooya ee Mandheera, waxaana ku burburay gaari dagaal, iyadoo ciidankii saarnaa ay dhimasho noqdeen.

Ugu yaraan 10 Askari oo kenyaati ah ayaa lagu soo waramayaa iney dhinteen, iyadoo uu burburay gaariga.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sheegatay masuuliyadda weerarka, iyadoo sheegaty in guutooyinka milliteri e eka howlgala dhulka NFD ay ku guuleysteen iney fuliyaan howlgal najaxay.

NFD iyo gobolka dhaca xeebta ee Laamu waxaa si joogta ah uga dhaca howlgallo Jihaadi ah oo kala duwan, kuwaas oo ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dowladda Kenya waxay qaati ka taagantahay howlgallada ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku weysay ciidamo iyo saraakiil aad u badan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.