4 Ruux oo shacab ah oo ku dhintay duqeymo ka dhacay gobolka Siinaa ee Masar.
Wararka ka imaanaya gobolka Siinaa ee wadanka Masar ayaa ku waramaya in ciidamada Masaarida ay duqeymo khasaare dhaliyay ka fuliyeen deegaanno katirsan gobolka, kuwaas oo ay ku dhinteen dad shacab ah.
Duqeymahan oo ay fuliyeen diyaaradaha milliteriga ciidamada Masar ayaa lagu garaacay tuulada Abul Caraaj ee dhacda koonfurta magaalada Sheekh Zuweyd, waxaana ku dhintay dad shacab ah oo dhamaantooda ahaa dumar iyo caruur.
Dadka ku dhintay duqeyntan waxay tiradooda gaareysaa illaa iyo 4 ruux, waxayna kala ahaayeen 3 dumar ah oo ay ku jirto haweeney 90 jir ahayd, iyo wiil yar oo toban sano jir ah.
Waxaa sidoo kale jira dad kale oo ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen duqeymaha milliteriga Masaarida uu ka geystay gobolka Siinaa, waxayna tiradooda gaareysaa illaa iyo 10 ruux.
Qaar kamid ah dhaawacyada ayaa xaaladooda laga deyrinayaa, waxaana la dhigay isbitaallada caafimaadka ee ku yaala gobolka, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Waa dhacdadii labaad oo duqeyn ah, islamarkaana todobaad gudihiisa diyaaradaha milliteriga maamulka uu hogaamiyo Siisi ka geystaan gobolka Siinaa. Dhawaan ayay ahayd markii duqeyn lagu dhuftay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo isku qoys ahaa ay ku dhinteen 8 ruux, oo 4 kamid ah dumar ahaayeen.
Gobolka Siinaa ayaa waxaa ka socda howlgal milliteri oo ay fulinayaan ciidamada dowladda Masar, waxaana gebi ahaanba go’doonsan gobolka, taas oo xaalad cakirnaan ah gelisay nolosha dadka Muslimiinta ah, waxaana u dheer tacadiyaadka joogtada ah ee ay kala kulmayaan ciidamada maamulka Siisi.