Arrin Mucjiso Ah: Nin Dagaalkii Idaale Ku Shahiiday oo 14 Sano Kadib La Arkay Isagoo Aan Waxba Iska Badalin Jirkiisa (Dhagesyo)

Taarikhda iyo qisooyinka waa kuwa isi soo celceliya oo soo laabanaya waana kuwa u baahan in lagu cibro qaato.

Qaar kamid ah saxaabadii rasuulka Sallalaahu-calayhi-wasallam oo ku shahiiday Uxud ayaa waxaa dhacday in daadad burqaday ay kasoo fagaan qubuurtii ay ku aasnaayeen muddo 40 sano illaa 46 sano ah kadib, waxaana la arkay saxaabadii oo sidoodii ay islamarkaana ay xubnaha jirkoodu laabmayaan.

Qisada ka dhacday Iidaale waxay ahayd mid taa lamid ah kadib markii shalay daadad ka dhashay roobab halkaa ku da’ay ay soo saareen mid kamid ah raggii ku shahiiday dagaalkii 2006-dii halkaa lagula galay Xabashida Itoobiya.

Ninkan ayaa la arkay isagoo sidiisii ah oo aysan waxba iska badalin oogada jirkiisa, waxaa muuqanayay halkii ay xabbadu kaga dhacday oo sideedii ah, waliba waxay dadkii goob joogga ahaa inoo sheegeen iney caraf kasoo baxaysay.

Aas labaad oo loo sameeyay ayaa waxaa kasoo qeyb galay dad badan. Sannadkii lasoo dhaafay Iidaale waxaa shaqo ku tagay C/fataax Filibiin oo ka tirsan idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan kaasoo indhihiisa kusoo arkay qalfoof ay biyuhu soo saareen oo Itoobiyaan ah, waxaana lagu gartay oo la socotay buraashadda ay ciidamada Xabashidu biyaha ku qaataan.

Idaale waxaa sannadkii 2006dii ka dhacay dagaal taariikhi ah oo dhex maray ciidamadii Mujaahidiinta iyo kuwii Xabashida Itoobiya, dagaalkaas oo ahaa mid la isku hilboobay laakin dhanka kale lagu jabiyay kibirkii iyo hankii Xabashida.

Idaale waxaad ku arkeysaa markaad tagto raadadkii dagaalka sida gaadiidkii laga gubay ciidamada Xabashida.

Halkan Ka Degso Wareysiga Mid Kamid Ah Dadkii Shahiidka Dib U Aasay

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.