Askar katirsan ciidamada Alpha Group Oo lagu dilay Jazeera.

Qarax xoogan ayaa ciidamo katirsan kuwa Alpha Group ee kamid ah kuwa ka amar qaata Maraykanka duulaanka ku jooga Soomaaliya waxaa lagula eegtay deegaanka Jazeera ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa wuxuu haleeley gaari nooca dagaalka ah oo ay wateen ciidamada Alpha Group (Alfa guruub) ee u dhow ciidamada Maraykanka, wuxuuna dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Inta haatan la xaqiijiyay 3 askari ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa sidoo kale gebi ahaanba burburay gaarigii ay saarnaayeen askarta la qarxiyay. Masuuliyadda Weerarkan waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhanka kale ciidamada Shisheeyaha ayaa iyagana waxaa qarax lagula beegsaday magaalada Muqdisho, kaaso dhaliyay waxyeello kala duwan.

Gaari nooca dagaalka ah oo ay wateen ciidamada Afrikaanta ayaa gubtay, waxaana dhaawacyo soo gaareen askartii saarneyd.

Dhawaan ayay ahayd markii wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho lagu beegsaday ciidamo katirsan Shisheeyaha Burundi, halkaasna waxaa ku gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.