Askar katirsan Hir Shabeelle Oo lagu dilay weeraro ka dhacay Hiiraan.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro kamiin ah waxay u dhigeen askar katirsan maamulka Hir Shabeelle ee ku sugan qeybo kamid ah Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Weerar kamiin ah oo duleedka degmada Jalalaqsi loogu dhigay ciidamada maamulka Hir Shabeelle ayaa dhaliyay waxyeello gaartay askarta.

Inta haatan la xaqiijiyay waxaa kamiinka lagu dilay 2 askari oo katirsan ciidamada maamulka Hir Shabeelle.

Sidoo kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen isbaaro ay ciidamada Hir Shabeelle ku lahaayeen duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Isbaarada joogay ayaa la kala eryay, waxaana goobta lagu dilay hal askari.

Gawaari rakaab ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah ayay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka gudbiyeen goobtii Isbaarada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.