Askar Ruush ah oo ku dhintay qarax weyn oo ka dhacay Suuriya.
Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa ku waramaya in qarax weyn uu ruxay saldhig weyn oo ku yaala gobolka Xammaah, ee wuqooyiga Suuriya, kaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo ciidamo katirsan kuwa Ruushka.
Qaraxa ayaa ka dhacay saldhig lagu magacaabo Tal Salbaa oo dhaca wuqooyiga gobolka Xammaah, waxaana deganaa guutooyin katirsan ciidamada Ruushka iyo ciidamada sida dhow ula shaqeeya ee lagu magacaabo An-Nimir.
Warar lag helayo qaraxa dhacay ayaa sheegaya inuu ahaa qarax ka dhex qarxay keydka hubka iyo sawaariikhda ee xerada, waxaana ka dhashey khasaare dhimasho iyo dhaawac oo badan.
Ugu yaraan labo sarkaal oo midi yahay Jeneraal, islamarkaana Ruush ah ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxa ka dhaca xerada, halka ay ku dhaawacmeen 12 kale oo Ruush ah oo qaarkood ay dhaawacyadooda halis yihiin.
Ciidamada An-nimir lagu magacaabo ee katirsan Nuseyriyada, si gaar ahna uga amar qaata Ruushka ayaa iyagana waxaa qaraxa kasoo gaaray khasaare adag, dhimashadooodu waxay mareysaa 18, halka dhaawacoodu kor u dhaafayo 30 askari.
Marka laga soot ago khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashey qaraxan ka dhex kacay xera ay ciidamada Ruushku ku leeyihiin gobolka Xammaah, waxaa intaa dheer burburka sawaariikh iyo hub aad u badan.
Gantaallo waaweyn oo loo adeegsanayay duqeymaha ka dhanka ah muslimiinta Shaam ayaa goobta ku burburay, waxaana dheer ugu yaraan 4 gaari oo noocyada gaashaman ah kuwaas oo gebi ahaanba basbeeley.