Askari Maraykan ah oo lagu dilay Afqaanistaan.

Wararka ka imaanaya wadanka Afqaanistaan ayaa ku waramaya in halkaas lagu dilay askari katirsan ciidamada Maraykanka ee qeybta ka ah duulaanka lagu qaaday wadankaas muslimka ah.

Qarax culus oo ciidamada Maraykanka lagula eegtay degmada Dah Yak ee gobolka Qazni ayaa dhaliyay burburka gaari gaashaman, iyadoo dhimasho iyo dhaawac ay noqdeen askartii saarnaa.

War kasoo baxay Dhaalibaan waxaa lagu sheegay in qaraxaas uu ku dhintay askari Maraykan ah, iyo 6 askari oo katirsan ciidamada kumaandooska xukuumadda Kaabul, ayna jiraan tiro dhaawacyo ah oo aan cadadooda la helin.

Ciidamada Maraykanka ee weerarka qaraxa ah la kulmay ayaa duulaan kusoo ahaa deegaannada ay Mujaahidiinta Dhaalibaan maamulaan, waxaase la ogaaday ujeedkooda, iyadoo lagala hormaray gacanta.

Qaraxa kadib, diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa goobta soo gaaray, kuwaas oo fuliyay duqeymo ay ku burbureen labo guri, balse ma jiro dad wax ku noqday.

Dhimashada askarigan Ameerikaanka ah ayaa sii kordhineysa tirada ciidamada Maraykanka ee lagu dilay Afqaanistaan tan iyo sanadkan 2019, waxaana ay imaaneysaa xilli uu Trump sheegay inuu soo afjarayo dagaallada ay ciidamadiisu kaga jiraan dunida muslimka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.