Axmad Madoobe Oo lagu caleema Saarayo Kismaayo.

Waxaa magaalada Kismaayo ka dhacaya xaflad caleema saar ah, kaas oo lagu caleema saarayo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ay doorashadiisu si adag uga hor timid dowladda federaalka.

Xafladda caleema saarka waxaa ka qeybgalaya masuuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan madaxweynayaal hore, iyo wafdi uu soo diray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata.

Dadka caleema saarka jooga waxaa kamid ah Shariif Sheekh Axmed, Xassan Sheikh Maxmuud oo horey usoo noqday madaxweyaasha dowladda, iyo siyaasiyiin kale oo iyagna xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka.

Waxaa dadka ugu tunka weyn ee jooga Kismaayo, kana qeybgalaya xafladda caleema saarka Axmed Madoobe kamid ah Siciid Deni oo ah madaxweynaha maamulka Puntland.

Inta badan wufuuda joogta Kismaayo waxay ka yimaadeen dhanka magaalada Nairoobi, waxaana gebi ahaanba shaqeyn waayay amar kasoo baxay dowladda federaalka oo ahaa in diyaaradaha tagaya Kismaayo ay soo maraan magaalada Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.