Banaanbaxyada ka socda Lubnaan Oo sii xoogeystay.

Magaalada Beyruut ee caasimadda wadanka Lubnaan waxaa ka socda banaanbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan dad careysan, oo dalbanaya iney xukuumaddu dadka ka hor leexato, kuna eedeynaya musuq maasuq ragaadiyay guud ahaa dadka.

Dibad baxyaasha oo careysan ayaa taayarada gawaarida ku gubay wadooyinka dhexdooda, waxayna sheegeen iney sii wadi doonaan dibad baxyada tan iyo inta ay xukuumaddu ka fulineyso rabitaankooda.

Dadka careysan ayaa isku geedaamay guriga uu magaalada Beyruut ka deganyahay ra’iisul wasaaraha wadankaas Sacad Al-Xariiri, waxaana fashilmey isku dayo ciidamada amniga ku doonayeen iney kaga fogeeyaan dadka bananabaxyada dhigaya guriga ra’iisul wasaaraha.

Hogaamiyaha ururka shiiciga ah ee “Xisbullaah” ayaa isagana kalimad uu jeediyay wuxuu ku sheegay in ururkiisu garab taaganyahay xukuumadda.

Banaanbaxyadu Bayruut oo keliya kama socdaan, waxaana jira magaalooyinka qaar oo ay dadku isku soo baxyo dhigeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.