Banaanbaxyo lagu taageerayo Xijaabka oo ka dhacay Faransiiska.

Waxaa wadanka Faransiiska ka dhacay bananabaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo naceybka sii kordhaya ee Faransiisku u muujinayo Muslimiinta, gaar ahaan gabdhaha muslimaadka ee xijaabta.

Banaanbaxyo ay ka qeybgaleen boqollaal ruux oo kamid ah muslimiinta kunool Faransiiska ayay ku sheegeen iney kasoo horjeedaan naceybka sii kordhaya ee dowladda Faransiiska u muujineyso Muslimiinta.

Dadka banaanbaxyada dhigayay ayaa watay boorar ay ku xardhanyihiin halkudhigyo lagu muujinayo muhiimadda Xijaabka iyo inuu kamid yahay diinta Islaamka.

“Joojiya Islaam naceybka, ma nihin Mushkilad iyo dhibaato” ayaa kamid ahaa halkudhigyada ay ku qeylinayeen Muslimiinta, boorarkana ay ku xardheen.

Banaanbaxyadan ayaa kusoo aaday iyadoo dowladda Faransiiska mudooyinkii u dambeeyey qaadeysay tallaabooyin ay culees ku saareyso gabdhaha muslimaadka ee xijaaban.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.