Ciidamo katirsan Dowladda Oo dilay taliyihii ciidamada Gorgor.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay is rasaaseyn dagaal isku bedeshey oo dhexmartay ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda federaalka, oo ku sugnaa nawaaxiga Madaxtooyada.

Khilaafaad ayaa soo kala dhexgalay labada ciidan, waxaana taasi ay dhalisay iney rasaas ooda isaga qaadaan, iyagooo ku sugnaa kasoo horjeedka hotelka Naashablood 2.

Goobta waxaa lagu dilay taliyihii ciidamada Gorgor oo ah ciidamada uu Turkigu tababaray, kaas oo lagu magacaabo Jeneraal Madaxeey.

Waxaa jira tuhmad ah in sarkaalka si bareer ah ay u toogteen saraakiil kale oo uu kala dhexeeyey khilaafaad hoose.

Marka laga soo tago howlgallada ay fulineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee lagu beegsanayo ciidamada dowladda, waxaa jira in marar qaar ay ciidamada dowladda ay dhexdooda dagaallamaan, iskana dilaan saraakiil sar sare.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.