Ciidamo katirsan Shisheeyaha oo lagu dilay Shabeellaha Hoose.

Waxaa faafaahin laga helayaa weerar qarax loo adeegsaday oo gelinkii dambe ee shalay gobolka Shabeellaha hoose lagula beegsaday ciidamo katirsan Shisheeyaha duulaanka ku jooga Soomaaliya.

Weerarka waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Danow iyo Kabtan Laas, waxaana lala eegtay ciidamo katirsan Shisheeyaha Uganda ee qeybta ka ah ciidamada Afrikaanta ee kusoo duulay wadanka.

Ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada Shisheeyaha ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay 4 kalena ku dhaawacmeen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan khasaaraha gaarsiiyay ciidamada Shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.