Dagaal ka dhacay Afmadow oo katirsan Jubbooyinka.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday degmada Afmadow ee gobollada Jubbooyinka oo ay ku suganyihiin ciidamo Kenyaati ah iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Dagaalka waxa uu si gaar ah u beegsaday fariisimaha ciidamada maamulka Jubbaland, waxaana uu socday in muda ah.
Goobjoogayaal waxay soo sheegeen iney maqlayeen rasaas cul culus oo ay is dhaafsanayeen labada dhinac, taas oo socotay in muda ah.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerarka kadib waxay kusoo laabteen goobihii ay ka duulaan tageen.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalkan ay ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen fariisimiyaasha ciidamada maamulka Jubbaland ee degmada Afmadow.