Dilal ka kala dhacay Muqdisho, Jowhar iyo Kismaayo.

Habeennimadii xalay waxaa dhacay silsilado weeraro dil toogasho ah kuwaas oo loo geystay masuuliyiin iyo xubno kaitrsan sirdoonka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Muqdisho, waxaa xaafadda Ciise Cabdi lagul dilay Sarkaal katirsan ciidamada PSta dowladda federaalka, kaas oo lagu magacaabo Ciise Kuube.

Ninkan ayaa aad u dhibay dadka xaafadda Ciise Cabdi, isagoo ahaa dharcad.

Jowhar, waxaa lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii dhinaca amniga ee gobolka Shabeellaha dhexe Maxamed Sugaal.

Kismaayana waxaa lagu dilay nin lagu magacaabo Cumar Dakhal oo ku caan ahaa Taqiyudiin, islamarkaana ahaa xubin katirsan sirdoonka maamulka Jubbaland.

Halkan ka dhagyaso Howlgallo kala duwan oo ka dhacay magaalooyinka Jowhar, Muqdisho iyo Kismaayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.