Doon ku degatay Webiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne.

Iyadoo magaalada Baladweyne uu si ba’an ugu fatahay webiga Shabeelle ee mara qeyba kamid ah magaalada ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney rogmatay doon ay la socdeen masuuliyiin katirsan maamulka Hir Shabeelle.

Doontan oo dadka isaga kala gudbineysay xaafadaha magaalada Baladweyne ee daadadku ay kala xireen ayaa waday dad lagu qiyaasay inkabadan 30 ruux, oo u badnaa masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Hir Shabeelle.

Dadkii ay doontu la rogmatay ayaa lagu soo waramayaa iney qaarkood dhinteen, halka dad farakutiris ahna lasoo badbaadiyay, waxaana dadka lasoo badbaadiyay ku jira duqa magaalada Baladweyne iyo gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdi-Fataax Xasan Faarax.

Masuuliyiinta la la’yahay waxaa ku jira la taliyihii madaxweynaha maamulka Hir Shabeelle oo ah qof haweeney ah, waxaana loo badinayaa in dadka la la’yahay ay dhinteen.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka taagan xaalad adag, kadib markii uu fatahay webiga Shabeelle ee mara qeybo kamid ah gobolka Hiiraan, waxaana xaalad adag ku nool dadka Soomaaliyeed ee halkaas degan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.