Duqeyn Khasaare dhalisay Oo lagu garaacay Xerada Xalane.

Xafiisk UN-ka ee Xalane oo burbrusan.

Ugu yaraan 9 madfac oo ka dhacda qoriga Hoobiyaha ayaa lagu garaacay saldhiga Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin Soomaaliya, uuna deganyahay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Duqeynta oo ahayd mid is xig xigtay ayaa ku dhacday gudaha saldhiga Xalane, gaar ahaan xafiisyada Qaramada midoobay, halkaas oo ay ku suganyihiin Shisheeye jinsiyado kala duwan leh oo aad u badan, qeybna ka ah dagaalka ay Shisheeyuhu kaga jiraan Soomaaliya.

Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku dhimatay, halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay ku jiraan shakhsiyaad kasoo jeeda wadamada Reer galbeedka iyo Africa.

Waxaa suuragal ah in khasaaruhu intaas kasii bato, maadaama ay jiraan dhaawacyo halis ah, waxayna duqeyntu geysatay waxyeello dhanka maadiga ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda Weerarkan duqeynta ah ee lagu garaacay saldhiga Xalane, gaar ahana xafiisyada Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareysay weeraraka duqeymaha ee sida isku midka ah u beegsaday xafiisyada Qaramada Midoobay iyo ciidamada Afirkaanta ee duulaanka ku jooga Soomaaliya

Waxaa dhowr jeer soo noq noqday duqeymaha ceynkan ah ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceyso xarumaha muhiimka u ah Shisheeyaha iyo dowladda federaalka ee ku yaala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.