Gaari Dagaal oo Shisheeyaha Looga gubay Qarax ka dhacay Muqdisho.
Kolonyo katirsan ciidamada Shisheeyaha gaar ahaan kuwa Burundi oo ku socdaalayay wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho ayaa barqanimadii maanta waxaa lala eegtay qarax culus.
Goobjoogayaal ku sugan Muqdisho ayaa soo sheegay in gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen askar Burundees ah uu haleelay qarax culus.
Gaariga la qarxiyay oo xiligaas marayay inta u dhexeysa saraha Ceymiska iyo warshadda Kooka koolla, ayaa burburay, waxaana waxyeello kala duwan gaartay askartii saarneyd.
Ciidamada Burundi ee qaraxa lala eegtay ayaa ka yimid dhanka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, oo kamid ah goobaha ay ka joogaan gobolkaas.
Dhanka kale, habeenki xalay qaraxyo ayaa lagu weeraray ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka oo ku sugnaa isgoyska Al-baraka iyo Ex contorool Balcad ee degmooyinka Hodan iyo Huriwaa.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Dowladda, waxaana masuuliyadda weeraradan sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.