Gaari Gaashaman oo Shisheeyaha Looga gubay Shabeellaha Hoose.
Qarax xoogan ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa gobolka Shabeellaha hoose lagula eegtay ciidamo katirsan Shisheeyaha duulaanka ku jooga Soomaaliya.
Gaariga uu qaraxu haleelay ayaa ahaa noocyada gaashaman, waxaana si adag u haleeley qarax lala eegtay, kaas oo dhaliyay inuu gaarigu burburo.
Ciidankii saarnaa gaariga la qarxiyay ayaa la xaqiijiyay iney dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa, kaas oo ka dhacay inta u dhexeysa Shalambood iyo deegaanka Danow ee gobolka Shabeellaha hoose.
Wilaayada islaamiga ee Shabeellaha hoose waxay kamid tahay meelaha ugu badan ee lagu beegsado ciidamada Shisheeyaha, marka ay isaga kala gudbayaan deegaannada ay ka joogana wilaayada.