Inkabadan 10 Askari oo katirsan Ciidamada Bankrafta Oo Lagu dilay Baar Sanguuni.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah waxay u dhigeen askar katirsan ciidamada Bankrafta ee sida dhow kaga amar qaata ciidamada Maraykanka ee jooga Soomaaliya.

Weerarka kamiinka ah ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Baar Sanguuni oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, waxaana Bankrafta la gaarsiiyay waxyeello kala duwan.

Kamiinka oo isku bedelay dagaal culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa dhaliyay dhimashada 5 askari iyo dhaawaca 9 kale, kuwaas oo dhamaantooda katirsan ciidamada Bankrafta.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sidoo kale ku guuleysteen iney gubaan oo ay waxyeello gaarsiiyaan labo gaari oo noocyada Cabdi bile ah,kuwaas oo ay wateen ciidamada Bankrafta.

Askarta Bankrafta waa ciidamo uu tababaray Maraykanka, isaga ayayna ka amar qaataan, waxayna ku suganyihiin qeybo kamid ah gobollada Soomaaliye, aadna waxay ula kulmaan weeraro abaabulan oo kaga yimaada dhinaca ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.