Maraykanka Oo duqeeyay Deegaannada ku dhow Ballidoogle.
Diyaaradaha Dronesta Maraykanka ayaa duqeymo aan loo meel dayin waxay maalmihii lasoo dhaafay ka geysanayeen deegaannada u dhow saldhiga garoonka Ballidoogle oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Soomaaliya.
Diyaaradaha ayaa duqeynaya dadka xoola dhaqatada ah ee ku dhaqan tuulooyinka u dhow Ballidoogle, waxaana dhacay duqeymo dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.
Marka laga soo tago khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, waxay duqeymahan dhaliyeen iney kala lumaan waalidiin iyo caruurtooda, maadaama dadka reer baadiyuhu aaney dhegahooda ku badneyn duqeymaha waaweyn, ayna aad uga cabsadaan.
Maraykanka ayaa aad uga xanaaqsan weerarkii cuslaa ee dhawaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaaday saldhiga Ballidoogle, halkaas oo ay ku dishey 121 askari oo Maraykan ah, 12 Yahuud ah iyo 40 qandaraaslayaal ah oo u shaqeynayay ciidamada Maraykanka.
Duqeymahan ayaa kusoo aadaya iyadoo warbixin kasoo baxday hay’addda Amnesty International lagu sheegay in Maraykanku si ula kac ah u fududeysto dhiiga shacabka Soomaaliyeed, ayna dad shacab ah ku dilaan duqeymaha ay ka wadaan wadanka.
Halkan ka dhagayso Qaar kamid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay.