Masuul katirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxay ku dileen masuul katirsan maamulka Puntaland.

Wuqooyiga Gaalkacyo ayaa lagu dilay nin lagu magacaabo Xasan Weyne oo kamid ahaa masuuliyiinta wasaarada Maaliyadda maamulka Puntaland.

Rag hubeysan ayaa dilka geystay, kuwaas oo si nabad geliyo ah goobta uga tagay markii ay hadafkooda gaareen.

Ciidamo katirsan maamulka Puntland ayaa goobta soo gaaray, kuwaas oo qaaday meydka sarkaalka ay dileen Mujaahidiinta.

Gaalkacyo waxaa marar badan ka dhacay howlgallo qorsheysan oo ay fulisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo lagu beegsaday xubno katirsan maamullada Puntaland iyo Galmudug oo ka wada arrimiya magaalada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.