Muslimiinta iyo Gaalada…Yaa ku horeeyay Caafimaadka?

Inbadan oo kamid ah macluumaadka ku keydsan baraha Internetka, islamarkaana ay baahiyaan Aqoonyahannada iyo warbaahinta reer galbeedka waa kuwa aan xaqiiqda salka ku heynin, una badan nin jecleysi iyo muujinta shakhsiyaad la doonayo in si gaar ah loo buun buuniyo.

Warbixintan, waxaan kusoo gudbin doonnaa jaanib kamid ah meelaha ugu muhiimsan ee umad laga qiimeeyo, kaas oo ah Caafimaadka, kuna hormareen Muslimiinta.

Xilliga ay reer galbeedka iyo guud ahaan gaalada ay ku jiraan mugdiyada Jahliga, cuduro iyo xanuuna u le’anayeen, waxay Muslimiintu lahaayeen isbitaallo iyo xarumo caafimaad oo dadka si lacag la’aan ah wax ugu qabta.

Waxaa jira dhakhaatiir magac iyo maamuus ku dhex leh muslimiinta oo xilliyo fog fog dawanayay dadka, kutubtii ay qoreen iyo mu’allafaadkoodana ay reer galbeedku u tarjumteen luuqadahooda, iyagoo magcayo kale u yeeley.

Khaliifkii Umawiga ahaa ee Al-Waliid bin Cabdil Malik ayaa aas-aasey isbitaalkii ugu horeeyey ee howlaha uu qabanayay ay kamid tahay daryeelka dadka qaba cudurada dhimirka, waxaana xilligaas ay ku beegneyd horaantii qarnigii 8-aad ee Miilaadiyada.

Xilligaas gaaladu, majirin wax isbitaal ah oo ay leeyihiin, laguna daaweeyo dadka xanuunsan, waxay taas bedelkeeda dadkooda waalida qaba laga eryi jiray xaafadaha iyo goobaha ay ku noolyihiin, iyadoo loo arkayay dad halis ah ku ah Nolosha.

Qarnigii 15-aad ee milaadiyada, ayay Faransiisku fureen isbitaalkii ugu horeeyay ee lagu xanaaneeyo dadka xanuunsan, waxayna taasi ka dhigantahay iney ku baraarugeen qadiyadan 7 qarni kadib Muslimiinta.

Markii ay billaabeen in isbitaallada la keeno dadka waalan, waxaa hadana la yaab leh in dhakhaatiirtuba ahaayeen kuwa aan dhaamin kuwa ay daweynayaan, iskama dhaqi jirin gacmahooda iyo qalabka ay u adeegsanayaan daweynta bukaannada.

Taasi waxay keentay in isbitaalladii aad loo naco, caafimaadkii laga doontey mooye, cuduro halis ahna laga soo qaado, waxayna reer galbeedku sheegaan in xilliyo dhow oo 1840-kii uu soo baxay dhakhatr u dhashey Hungry oo dadka ku wacyi gelinaya iney gacamhooda meyrtaan.

Tani waxay ku tuseysaa in Muslimiintu ay ku horeeyeen caafimaadka, reer Yurubna ay yihiin kuwa hourmark aduunyo ee la xirira caafimaadka iyo waxyaabo badan ka qaatay Muslimiinta.

Xilliga ay reer Yurub dadkooda waasha banaamanka kusoo tuurayeen, waxay Muslimiintu lahaayeen khubaro ku takhasusay cilmii nafsiga, kuwaas oo xanaaneeyo dadka cudurada dhimirka qaba, lama kulmi Karin takoor iyo wax dareensiinaya iney ka duwanyihiin bulshada inteeda kale.

Sidaas darteed la yaab malahn, in dad badan oo iyagoo waalan la dhigay isbitaallada dhimirka ee ay Muslimiintu lahaayeen bogsoodeen, islamakraana noqdeen culimo, aqoonyahanno, dhakhaatiir iyo dad bulshada ka dhex muuqda.

Culimada Muslimiinta ayaa allifay kutubo iyo rasaa’il badan oo ay kaga hadlayaan waalida iyo sida loo daweeyo, waxaana la sheegaa in Imaamu Shaafici uu yiri “ waxaan gabayada ka wariyaa inkabadan 300 oo shaacir islamarkaana waalan”.

Mathal carbeed ayaaba oranayay, xikmadda ka qaata dadka waalan afkooda.

Inkastoo wax qarsoon aaney ahayn kala duwanaanshaha iyo farqiga weyn ee u dhexeeya xadaaradda Muslimiinta iyo mida gaalada, hadana waxaa mudooyinkii dambeyay la arkayay warbaahin reer galbeedku leeyihiin oo baahinaya maqaalaad iyo warbixnno ka hor imaanaya xaqiiqda.

Tusaale ahaan, marka lagu yiraahdo 1840-kii ayaa dhakhtar u dhashey wadamada reer galbeedka wuxuu qaaday olole wacyi gelin ah oo ku aadan in gacmaha la iska dhaqo, markaas kadib ayaana la billaabay in gacmaha la meyrto, taasi waxay dumineysa xaqiiqda jirta.

Waxaa muhiim ah in dadka loo cadeeyo inaan dib u dhacaas aysan Muslimiintu ku jirin, oo laga soo billaabo markii Nabiga Sallaahu caleyhi wasallam lasoo saaray uu umadda ku dhiirageliyay Nadaafadda iyo muhiimadeeda.

Shareecada Islaamka waxay gaartay heer ay Nadaafadda ka dhigto kala bar Iimaanka, Rasuulka sallaahu caleyhi wasallam ayaa laga wariyay inuu yiri “ Dhahaarada waa kala bar Iimaanka”, riyaawado kalena waxay leeyihiin “ Nadaafadu waa iimaanka barkii”.

Halkan ka dhagayso Warbixin Yaa ku horeeyay Caafimaaadka Muslimiinta iyo Gaalada?

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.