Inkabadan 10 askari oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho.
Qarax xoogan ayaa habeenkii xalay waxaa deegaanka Weydow ee dhaca duleedka Muqdisho lagula beegsaday ciidamo kairsan booliiska dowladda federaalka ee sida gaarka ah u tababaran, laguna magacaabo Haramcad.
Qaraxa ayaa burburiyay mid kamid ah kolonyada gaadiidka ee ay saarnaayeen ciidamada, waxaana jugta qaraxa laga maqlay meelo fog fog.
Gebi ahaanba gaariga la qarxiyay ayaa burburay, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday guud ahaan askartii saarneyd.
Inta haatan la xaqiijiyay 7 askari oo katirsan ciidamada saarnaa gaariga ayaa dhintay, halka 4 kalena ay dhaawcmeen.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan ay ku go’een ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Booliiska.
Ciidamada la qarxiyay waxay wada shaqeyn dhow la leeyihiin kuwa PS-ta dowladda federaalka, iyagoo ka qeybgala howlgallada xilliyada habeenkii lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah ee degan Muqdisho iyo duleedkeeda.