Qarax ka dhacay Jalalaqsi Oo Askar Jabuutiyaan ah Lagu dilay.

Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan bartamaha dhulkeena Soomaaliya ayaa ku waramaya in qarax xoogan bartamaha magaalada lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa Jabuuti.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan waxa uu haleeley ciidamo Jabuutiyaan ah, kuwaas oo marayay gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Guutooyinka Qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku guuleystay iney beegsadaan ciidamada Jabuuti, Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 2 askari oo Jabuutiyaan ah ay goobta ku quur baxeen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sheegatay masuuliyadda weerarkan qaraxa ah, Jabuutiyaankana mudooyinkii u dambeeyey waxaa jiray weeraro si gaar ah u bartilmaameedsanaya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.