Qeys bin Siciid Oo loo doortay madaxweynaha Tuunis.
Hay’adda Doorashooyinka dalka Tuunis ayaa ku dhawaaqday natiijada doorashooyinkii dhawaanahan ka socday guud ahaan wadanka, taas oo ay ku tartamayeen musharixiin kala duwan.
Qeys bin Siciid ayaa helay codadka 72% guud ahaan dadka codeeyey, waxaana uu sidaas ku noqday madaxweynaha rasmiga ah ee wadanka Tuunis.
Ninka la tarmayay ee lagu magacaabo Naiil Al-Qarawi ayaa isagana waxa uu helay 20%, waxaana ninkan taageerayay maamulka Yahuudda iyo dowlado kale.
Qeys bin Siciid ee guusha helay ayaa loogu tahniyadeeyay xilka cusub, waxaana kamid ah dadka u tahniyadeeyey madaxweynaha Qadar Tamiim bin Xamad.
Dadweyne taageeriyasha Qeys kamid ah ayaa dabaal degyo ka dhigay magaalooyin ay ku jirto caasimadda Tuunis, iyagoo sheegay in Qeys bin Siciid uu wax badan ka duwanyahay dadka la tartamayay.