Sarkaal katirsan maamulka Gobolka Banaadir Oo Muqdisho Lagu dilay.

Rag hubeysan ayaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho waxay ku toogteen sarkaal katirsan maamulka degmadaas.

Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabaa Maxamed Nuur, waxaana uu kamid ahaa xubnaha maamulka degmada Hodan ee dowladda federaalka.

Raga dilka geystay ayaa goobta si nabad geliyo ah uga dhaqaaqey, waxaana goor dambe halkaa soo gaaray ciidamo katirsan dowaldda kuwaas oo sida looga barteyba qaatey meydka sarkaalka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka sarkaalka katirsan maamulka degmada Hodan ee dowaldda federaalka.

Wuxuu ku biirayaa silsilado weeraro toogasho ah oo maalmihii tagay Muqdisho loogu geystay xubno iyo saraakiil muhiim ah oo katirsan dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.