Sarkaal u shaqeynayay Qaramada Midoobay Oo Muqdisho Lagu dilay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax magaalada Muqdisho lagula eegtay shaqaale katirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Xasan Cali Kheyre iyo xubno katirsna Qaramada Midoobay.

Qaraxan oo ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa lala eegtay gaari ay wateen saraakiishan ka kala tirsanaa dowladda federaalka iyo Qaramada Midoobay, waxaana ka dhashey waxyeello isuga jirta dhimasho iyo dhaawac.

Inta haatan la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay sarkaal lagu magacaabo Bashiir Waalow oo katirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Jugta qaraxa ayaa ahayd mid xoogan, oo laga maqlay inta badan degmada Waaberi, waxaana goordambe soo gaaray goobta ciidamo katirsna dowladda federaalka oo qaaday meydadka iyo dhaawacyada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.