Taliye Ku Xigeenkii Amaanka Wadooyinka Puntland ee Mudug Oo La Dilay.

Waxaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu dilay masuul sare oo katirsan maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Siciid Deni.

Rag hubeysan ayaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxay ku toogteen taliye ku xigeenkii Amaanka wadooyinka gobolka Mudug ee maamulka Puntland ninka lagu magacaabo Maxa’ed Faarax.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda dilka taliye ku xigeenkii Ciidamada Amaanka wadooyinka ee maamulka Puntaland ugu magacaabanaa gobolka Mudug Maxa’ed Faarax.

“Mujaahidiinta ayaa waqooyiga Gaalkacyo ku khaarijiyay Max’med Faarax oo ahaa taliye ku xigeenka Taraafikada maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Gaalkacyo waxaa marar badan kusoo noq noqday howlgallada qorsheysan ee ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab ku beegsanayaan madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug oo ka wada taliya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.