Turkiga oo howlgal milliteri ka billaaabay Wuqooyiga Suuriya.
Ciidamo badan oo Turki ah, islamarkaana wehlinayaan malleeshiyaad katirsan kooxaha Jeyshul xurta Suuriya ayaa lagu wadaa iney billaabaan howlgal milliteri oo lagu baacsanayo malleeshiyaadka Kurdiyiinta ee gacan saarka dhow la leh Maraykanka.
Madaxweynaha Turkiga, Rajab Ordogan ayaa telefeshinka wadanka kalimad uu ka jeediyay wuxuu ku sheegay in dowladiisu ay billaabeyso howlgal milltiteri, oo ka dhacaya deegaannada dhaca bariga webiga Al-Furaat, wuxuuna sheegay in Maraykanku aanu diyaar u ahayn inuu ka gacan siiyo Turkiga sidii loo aas-aasi lahaa mandiqad ka caagan dagaallada.
Inkastoo Turkigu dhowr beri ka hor sheegay inuu billaabayo howlgalka, weli ma jiro wax muuqda oo billowday, marka laga soo tago in ciidamo aad u badan lasoo tubay xuduud beenaadka Suuriya iyo Turkiga, iyo in diyaar garow ay billaabeen ciidamo Turkish oo horey u joogay wuqooyiga Suuriya.
Maraykanka ayaa dhankiisa diiday inuu ka qeybgalo howlgalkan, waxaana taas bedelkeeda uu ciidankiisa kala baxay deegaannada uu saameynayo howlgalka milliteri ee Turkigu ku dhawaaqay.
Wasaaradda Pentagonka Maraykanka ayaa sheegtay inaaney soo dhaweynin, kana qeybgeli doonin howlgalka milliteri ee Turkigu ku dhawaaqay, waxayna sheegeen in howlgalkan uu caqabado badan keeni doono.
Ordogan iyo Trump ayaa khadka teleefanka ku wada hadley, balse waxba iskuma af garan, waxaana Trump uu ku goodiyay in dhaqaalaha Turkiga uu dhulka gelin doono, haddii Ordogan uu qaado tallaabo uu kaga gudbayo “Xuduuda”.
Lama sahdaalin karo sida ay xaaladdu noqon doonto, waxaana Kurdiyiintu ay muujinayaan cabsi ah in Turkidu ay buudka kula tuntaan.