Wilaayada Shabeellaha Hoose iyo Beesha Tunni Oo yeeshey kulan Muhiim ah.

Waxgaradka beesha Tunni.

Deegaanka Kuunya barrow ee wilaayada islaamiga Shabeellaha hoose waxaa ka dhacay kulan muhiim ah oo dhexmaray masuuliyiinta Wilaayada islaamiga ee Shabeellaha hoose iyo odayaasha dhaqanka ee beesha Tunni.

Kulanka waxaa bar bar socday dowro diini ah oo loo qabtay Odayaasha, waxaana wilaayada iyo Odayaashu ay isla meel dhigeen qodobo muhiim ah.

Waaliga wilaayada islaamiga ee Shabeellaha Hoose Sheekh Maxamad Abuu Usaama oo ka hadlay munaasabad lagu soo khatimayay dowrada ayaa Odayaasha beena Tunni kaga mahadceliyay sida ay isku garab taageen shareecada Islaamka, iyo soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen dadka Muslimiinta ah.

Wuxuu ugu baaqay iney isku naxriistaan, oo ay is walaashadaan, kana fogaadaan wax weliba oo kala geyn kara.

Dhanka beesha Tunni waxaa munaasabadda ka hadlay Suldaanka beesha Aadan Cismaan, kaas oo dhankiisa ballanqaaday iney fulin doonaan waxyaabihii ay kula ballameen wilaayada islaamiga.

Dhagayso kalimadda Sheekh Maxamed Abuu Usaama Waaliga Shabeellaha Hoose

Dhagayso Suldaanka beesha Tunni Suldaan Aadan Cusmaan

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.