Xukuumadda Suudaan iyo Mucaaradka Oo uu wadahadal uga furmay Jubba.
Waxaa magaalada Jubba ee caasimadda wadanka Koonfurta Suudaan ka furmay wadahadal u dhexeeya dowlada Suudaan iyo Xarakada shacabka ee mucaaradka ku ah dowladda.
Masuuliyiin ka socota labada dhinac ayaa kulan isugu yimid, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii ambi qaadi alhaa wadahadallada labada dhinac, kaas oo horseedi kara heshiis rasmi ah.
Afhayeen u hadlay Xarakada Shacabka wuxuu sheegay iney la kulmeen wufuud ka socota dowladda Suudaan, islamarkaana ay saxiixeen warqad loogu magacdaray “Warqadda Wadahadalka”, islaamrkaana ay tahay 8 sano kadib markii ugu horeysay oo horumar noocaan ah la gaaro.
Xamiidtii oo isagana ka socday xukuumadda Suudaan ayaa shaaca ka qaaday inuu filayo in maalmaha soo socda ay gaaraan heshiis rasmi ah, maadaama buu yiri ay Xarakada shacabka bahwadaagg ku yihiin halganka dheer ee lasoo maray.
Lama oga in kulamada socda ay kasoo bixi doonaan heshiis rasmi ah, waxaana dalka Suudaan ka jira xukuumad kumeel gaar ah, taas oo timid kadib kacdoono bilo socday oo reer Suudaan ay xilka kaga tuureen Cumar Al-Bashiir.