13 Askari Faransiis ah oo lagu dilay Dalka Maali.

Ciidamada Faransiiska ayaa howlgal fashilmey ku qaaday mid kamid ah deegaannada ay ku suganyihiin ciiidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala wadankaas.

Howlgalka fashilmey waxaa ka dhashey khasaare ba’an oo gaaray ciidamada Faransiiska ee hogaaminaya duulaanka lagu qaadya wadanka Maali.

War kasoo baxay Madaxtooyada Faransiiska ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 13 askari Faransiis ah ay dhinteen, kadib markii ay isku dheceen labo diyaaradood oo hellecopter ah, xilli ay ku guda jireen howlgal ka dhan ah Mujaahidiinta.

“Madaxweynuhu wuxuu si murugo xeeldheer leh u iclaaminayaa in wadanka Maali lagu dilay 13 askari Faransiis ah galabkii Axadda oo taariikhdu ku beegneed 25 Novemver kadib markii ay isku dhaceen laba diyaaradood xilli ay ku guda jireen howlgal ka dhan ah Jihaadiyiinta” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Faransiiska Emmanual Macron.

Marar badan waxaa wadanka Maali ka dhacay howlgallo fashilmey oo habeen dheelmad ah, kuwaas oo ay soo qaadeen ciidamada Faransiiska, waxaana midkii kan ka horeeyey uu Faransiisku ku sheegtay inuu ku diley hogaamiye Sheekh Muxamad Kuufa.

Sheekha ayaa ugu dambeyntii kasoo muuqday filim, isagoo si adag u beeniyay sheegashada Faransiiska ee ah in isaga lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidamada Faransiiska.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.