54 Askari Oo isuga jira Maraykan iyo kuwa xukuumadda Kaabul Oo lagu dilay Afqanistaan.

Diyaarad hellecopter ah oo ay saarnaayeen ciidamo Maraykan ah iyo kuwa Sirdoonka xukuumadda Kaabul ayaa lagu soo riday wadanka Afqaanistaan, kadib markii ay beegsadeen dagaalyahanno katirsan Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

Ciidamada Maraykanka ayaa xilligaas doonayay iney weerar habeen dheelmad ah ku qaadaan deegaan ay ku sugnaayeen ciidamada Imaarada islaamiga oo ku yaala gobolka Lowjar.

Kahor inta aaney diyaaradda degin ayaa waxaa ka war heley ciidamada Mujaahidiinta, kuwaas oo beegsaday diyaaradda, halkaas ayayna kusoo dhacday.

War kasoo baxay Dhaalibaan waxaa lagu sheegay in diyaaradda ay Mujaahidiintu soo rideen lagu dilay 54 askari oo isuga jira Maraykan iyo kuwa xukuumadda Kaabul.

Illaa iyo hadda waxaa halkii ay kusoo dhacday diyaaradda ku sugan ciidamada Maraykanka, kuwaas oo daabulaya hilbahah ciidamadooda iyo burburkii diyaaradda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.