Ciidamada Al-Shabaab Oo Weeraray Saldhiga Askarta DF ee Ceel Saliini.
Ciidamada Xarkaada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weera ballaaran ku qaaday saldhiga ciidamada dowladda federaalka ku leeyihiin deegaanka Ceel Saliini ee dhaca duleedka magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka oo ahaa mid aad u culus ayaa ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku adeegsadeen hubka cul culus ee garbaha laga tuuro, waxaana la maqlayay qeyla dhaanta askarta dowladda federaalka.
Warar la helayo waxay ku waramayaan in dagaalka uu in muda ah socday, islamarkaana uu jiro waxyeello kala duwan oo gaartay ciidamada dowladda federaalka.
Ceel Saliini, waxaa horey dhowr jeer loogu weeraray ciidamada dowladda federaalka, iyadoona lagu dilay tobanaan aksari oo katirsan ciidamada xukuumadda Kheyre.