Ciidamada Hir Shabeelle Oo Hiiraan Lagu Weeraray.
Kolonyo katirsan ciidamada maamulka Hir Shabeelle ayaa ku dhacay weerar kamiin ah, kaas oo ay u dhigeen dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Askarta kamiinka loo dhigay ayaa ka baxay degamada Buula Burde, waxaana mar ay sii socdaan meel dhexe qabsadya weerar jidgal ah oo aad u culus.
Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay goobta, iyadoona khasaare la gaarsiiyay askarta maamulka Hir Shabeelle.
Ugu yaraan 4 askari oo katirsan ciidamadii kolonyada la socday ayaa dhaawacmey, waxaana suurtagal ah in khasaaraha uu intaas kasii bato.