Ciidamo Itoobiyaan ah oo la geeyey Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa gaaray cutubyo katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya, kuwaas oo saldhigtay qeybo kamid ah magaalada.

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamadan Itoobiyaanka ee gaaray Dhuusamareeb uu hadafkoodu yahay iney cadaadiyaan malleeshiyaadka Suufida ee ay xurgufta kala dhexeyso dowladda federaalka.

Codisga ciidamadan lagu geeyey Dhuusamareeb waxaa lahaa madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Farmaajo oo Itoobiyaanka siiyay illaa afar dekadood oo ku yaala wadanka Soomaaliya.

Siyaasiyiin badan oo mucaarad ah ayaa ka horyimid ciidamadan la geeyey Dhuusamareeb, kuwaas oo qaarkood iyaguba Xabashida kusoo hogaamiyay wadanka, waxaana ragaas kamid ah Cabdi-raxmaan Cabdi Shakuur, Shariif Sheekh Axmed, Axmed Macallim Fiqi iyo kuwa kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.