Degdeg: Ciidanka Al-Shabaab oo La Wareegay Degaan Hoos Taga Somaliland.
Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta degaan hoos taga maamulka Somaliland islamarkaana dhaca meel istaraatiiji ah.
Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in Al-Shabaab ay si buuxda gacanta ugu dhigeen degaanka Gacan-Maroodi oo looga talin jiray degmada Ceerigaabo ee gobolkaasi.
Tallaabada ay ciidamada Al-Shabaab kula wareegeen degaankan ayaa timid kadib markii ay isaga carareen malleyshiyaad ka amar qaadanayay Somaliland oo heystay.
Juqraafi ahaan wuxuu degaankani dhacaa goob muhim ah, isagoo Ceerigaabo u jira qiyaastii 50 km.
Mujaahidiintu markii ay deegaanka tageen waxaa ay goob fagaare ah kala hadleen dadka deegaanka oo ay markii horaba soo dhaweyn kala kulmeen.
“Allaah fadligii maanta ciidamada Mujaahidiinta waxay la wareegeen deegaan Istaraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Sanaag, deegaankaas waxaa lagu magacaabaa Gacan-Maroodi, wuxuuna qiyaastii 50km u jiraa magaalada Ceerigaabo, ciidamada Mujaahidiinta ayaa si buuxda ula wareegay ka dib markii ay ka ceyriyeen maleeshiyaatkii ku sugnaa, dadweynaha ayay meel fagaara ah kala hadleen si wanaagsan ayaana loo soo dhaweeyey” ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab Afhayeenka ciidamada Al Shabaab.
Tani waxay ka dhigan tahay markii ugu horreysay oo ay Mujaahidiintu gacanta ku dhigaan deegaan hoostaga gobollada waqooyi. Horey waxay u maamulayeen gobollo iyo deegaano Koonfurta, Bartama iyo Bariga dalka kamid ah iyagoo haatan kusoo biiriyay dhul kale oo waqooyiga dalka ka mid ah.