Maraykanka Oo ganacsade ku dilay Kuunya-barrow iyo Goobjoogayaal ka hadlay.

Meydka ganacsade Abboow oo Maraykanku diley oo yaala isbitaalka Kuunya barrow.(Sawir hore)

Allaah u naxriiste Ganacasade Ismaaciil Ciise Bootaan oo aad looga yaqaano gobolka Shabeellaha hoose ayaa gelinkii dambe ee maalintii shalay waxay diyaaradaha Maraykanka ku dileen duqeyn ay ka geysteen duleedka deegaanka Kuunya barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ganacsadahan ayaa xarun ganacsi ku lahaa Kuunya barrow, wuxuuna ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano qeybo kamid ah Soomaaliya.

Nin la socday xilliga la duqeynayay Ismaaciil ayaa sheegay in labo gantaal lagu soo tuuray ganacsadaha, halkaasna uu ku dhintay.

Waxaan ubaxnay luga baxsi, markaan soo laabanay inagoo isla socona ayaa waxaa Ismaaciil usoo dhacay taleefan, shan talaabo anigoo saaxibkay ujira ayaa waxaa soo dhacay Gantaal waan orday, geed ayaan hoosta ka galay kadibna waan udhawaaqay wax ila hadlo markaan waayay ayaan kusoo laabtay bartii aan ku ogaa waxaana soo dhacay gantaalkii labaad”ayuu Yiri Goob jooge la socday Ganacsadaha Geeriyooday ee lagu magacaabi jiray Ismaaciil Ciise Bootaan.

Wuxuu sheegay inaanu ninkani ahayn xubin kamid ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, islamarkaana ahaa qof ganacsade ah.

Dadweynaha Kuunya barrow oo aad u yaqaanay ninkan ayaa iyagana mar ay la hadleen Al-Furqaan waxay sheegeen in Ismaaciil Ciise uu ahaa qof wanaagsan, af gaaban, islamarkaana gacan furan, ayna dishey gacan ka xaq daran oo ah Maraykanka.

Sanadihii lasoo dhaafay, diyaaradaha Maraykanka ayaa si aan loo meel dayin waxay u beegsanayaan bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku nool Koonfurta, waxaana mar weliba oo ay shacab dilaan sheegtaan iney dileen dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab.

Halkan ka dhagayso Goobjooge iyo Dadweyne ka hadlay Ganacsadahah lagu dilay Kuunya barrow.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.