Dilal ka kala dhacay Boosaaso iyo Afgooye.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dhacay silsilado dilal qorsheysan ah oo lagu beegsaday xubno muhiim ah oo katirsan maamul goboleedyada Shisheeyaha uu ka dhisay wadanka.

Afgooye, waxaa lagu dilay xubin katirsan Ergadii soo xushey baarlamaannada dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Cali Maxa’ed Cusmaan oo kamid ahaa ergada soo xushey Xillibaannada ayaa lagu toogtay mid kamid ah xaafadaha magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhanka kale, magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa barqinimadii maanta lagu dilay xubin katirsan Sirdoonka maamulka Puntland.

Cabdi Weli Axmed Maxamuud ayaa lagu dilay boosteejada Gaalkacyo ee magaalada Boosaaso, waxaana raggii dilka geystay ay ka dhaqaaqeen goobta.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkiisa, waxaana uu kusoo aadayaa iyadoo habeenkii xalay Gaalkacyo lagu dilay taliyihii Sirdoonka ee maamulka Puntland u qaabilsanaa gobolka Mudug kaas oo lagu magacaabo Xaashi Aadan Cilmi Geelle.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.