Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland Oo xil ka qaadis lagu Sameeyay.

Cabdi-xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo ahaa gudoomiyihi baarlamaanka maamulka Puntland ayaa xil ka qaadis lagu sameeyey ,kadbi codeyn ka dhacday xarunta Baarlamaanka.

Mooshin la hor keenay gudoonka Baarlamaanka Puntland oo kalsoonida loogala laabanayay Dhooba Daareed ayaa waxaa u codeeyey 49 Xillibaan, halka 4 ay ka aamuseen, waxaana natiijada ku dhawaaqay Xoghayaha Baarlamaanka.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo isagana hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadista lagu sameeyey, isagoona sheegay in si sharci darro ah loo maray arinkaas.

Wuxuu ku eedayay madaxweynaha Puntland inuu lacago u qeybiyay Xillibaannada, culeesna lagu soo rogay, taasna ay keentay wixii dhacay.

Mudooyinkii u dambeeyey khilaafaad ayaa ka dhex taagnaa hogaanka sare ee maamulka Puntland, waxaana khilaafkaas ku lug leh dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Maxa’ed Cabdullaahi Farmaajo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.