Hal Sano oo laga joogo Howlgalkii Gaalkacyo ee lagu dilay Ninkii Nabinimada Sheegtay.(Warbixin)

18-kii Rabiicul Awal sanadkii 1440-kii hijriyada, oo maanta oo Jimco ah laga joogo hal sano oo kaamil ah, waxaa dhacay howlgal ballaaran oo ay ku diirsadeen malaayiin ruux oo kamid ah muslimiinta Caalamka, kaas oo nolosha lagu dhaafiyay nin noqday far soo taagan, aflagaado iyo meel ka dhacana u geystay Rasuulka maqaamka sare leh ee Muxamad Sallaahu Caleyhi Wasallam.
Cabdi Weli Cali Cilmi, oo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ayaa nin habowsan, dadkana baadiyeeya, wuxuu Mareegaha Internetka iyo baraha bulshada ku baahiyay sawirka nin uu ku sheegay inuu yahay Nabiga, kaas oo uu mooryaantii la joogtay oo u badneyd dhalinyaro rag iyo dumar ka kooban ku amray inuu ku salliyaan.
Wuxuu sidoo kale dhisay koox Fannaaniin ah oo ku heesaya Aayadaha Qur’aanka kariimka, musicna saaraya, kuwaas oo uu dejiyay guri uu ugu magacday Beytu Rasuul oo uu ka dhisay magaalada Gaalkacyo.
Kufriyaadka uu baahinayay ninkan, waxaa ka gubtay Muslimiinta, gaar ahaan kuwa hadla luuqadda Soomaaliga, waxaana billowday xiligaas olole culimada iyo Aqoonyahanku kaga digayeen dhagarta ninkan iyo fakarka gaalnimada ah ee uu baahinayay.
Culima badan oo Soomaaliyed ayaa xiligaas soo saaray fatwo ay ku baneynayaan dilka ninkan, waxaana beri ka noqday guud ahaan tolkiisa, kuwaas oo soo saaray bayaan ay beri uga noqonayaan Cabdi Weli.
Balse Xarakat Ash-Shabaabil Mujaahidiin, ayuu Allaah ku sharfay iney noqoto cidii ugu horeysay oo jawaab ficil ah ka bixisa tacadiyaadka Cabdi Weli iyo kooxdiisa, waxaana Naftood huriyal iyo Inqimaasiyiin katirsan Mujaahidiinta ay 18-kii Rabiicul Awal 1440-kii hirjiyada weerareen hoyga uu magaalada Gaalkacyo ka deganaa Cabdil Weli. Codka sheikh Cali
Howlgal qaatay 3 saacadood oo xiriir ah ayaa ka dhacay guriga Cabdi Weli, waxaana weerarka lagu daah furay camaliyad Istish-haadi, kadibna waxa xerada u daatay rag Inqimaasiyiin ah oo ku hubeysnaa hubka noocyadiisa kala duwan.
Durba waxaa dhegaha shacabka Soomaaliyeed soo gaaray warar talan taali ah oo sheegaya in Cabdi Weli Cali Cilmi lagu dilay howlgalka, isaga iyo labaatameeeyo katirsna ilaaladiisa iyo xertii la joogtay.
Fariimaha hamblyada iyo dhawaqa Takbiirta ayaa is qabsaday guud ahaan Soomaaliya, iyo wilaayadka Islaamiga, qof welibana wuxuu tamaniyay inuu kamid ahaado raggii soo afjaray dhibaatadii uu Cabdi Weli waday, balse waa sidqiga oo kala faddilay Ragga.
Halkan ka dhagayso Warbixin ku saabsan weerarkii Gaalkacyo ee lagu dilay Ninkii Nabnimada sheegtay.