Ku Dhawaad 10 Askari oo kamid ah Ciidamada Turkiga uu tababaray oo lagu dilay Shabeellaha Hoose.

Qarax xoogan ayaa ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka gaar ahaan askarta uu tababaray Turkiga waxaa lagula eegtay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu gaarsiiyay khasaare kala duwan.

Warar kusoo dhacaya Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in qarax xooggan lala eegtay gaari nooca gaashaaman ah oo ay saarnaayeen askartan, xilli uu marayay tuulada Muuri ee Shabeelaha Hoose.

Ugu yaraan 9 askari ayaa la xaqiijiyay in goobta ay ku quur baxeen, halka ay ku dhaawacmeen qaraxa 6 askari oo dhamaantooda ahaa ciidamada dowladda ee uu Turkigu tababaray.

Qaraxan ayaa waxaa sidoo kale ku burburay gaarigii ay ciidamadu saarnaayeen oo noociisu ahaa Taw, waxaana dhacdada kadib uu hakad ku yimid socdaalkii kolonyada, iyagoo in muddo ku sugnaa goobta inkastoo markii dambe dambe la qaaday meydadka iyo dhaawacyada askarta.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan khasaaraha badan geystay, waxaana uu kusoo aadayaa iyadoo maanta deegaanka Buula Mareer qarax ka dhacay lagu dilay 3 askari oo katirsan ciidamada dowladda halka lagu dhaawacay 4 kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.