Isbedlladii uu soo maray Masjidka Babri ee loo bedelay Macbad!

Kadib inkabadna rubcu qarni oo ay Muslimiinta Hindiya ku sugayeen qadiyadda masjidka Babri, waxay dhawaan maxkamadda sare ee Hindiya soo saartay go’aankeeda kama dabeyska ahaa ee ku aadan Masjidka, iyadoo si toos ah ugu wareejisay Hinduuska.

Inkastoo 27 sano laga joogo markii ay Hinduusku burburiyeen masjidka Babri, oo dhaliyay dagaallo dhexmaray Muslimiinta iyo Hinduuska, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 2000 oo ruux oo badankood ahaa Muslimiin, hadana weli waxaa taagan carada Muslimiinta.

Marka laga hadlo Taariikhda Masjidka, waxaa la dhisay qarnigii 16-aad, waxaana gebi ahaanba dhulka lala simey sanadkii 1992-dii, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen kooxo Hinduus ah oo sheegayay in booska laga dhisay Masjidka uu ku dhashey Ilaah ay ugu yeereen Raam, oo kamid ah Asnaamta ay caabudaan.

Wuxuu ku yaalaa Masjidka magaalada Ayuudiya ee gobolka Awtar Badaradish, waxaana uu ku fadhiyay masaaxo ballaaran oo gaareysa illaa iyo 25 Hektar.

Masaadirta taariikheed ee kala duwan ayaa tilmaameysa in masjidka Babri uu dhisay hogaamiyihii muslimka ahaa ee lagu magacaabayay Dahiiru-diin Muxa’ed Baa’ir, kaas oo muda maamulayay dhulka Hindiya.

Hinduuska ayaa ku doodaya in markii hore dhulka laga dhisay Masjidka uu ahaa Macbad ay iyagu leeyihiin, islamarkaana laga dumiyay sanadkii 1528, maarkaas oo ay sheegeen in laga dhisay Masjid.

Iyagoo sheegashooyinkaas ka duulaya ayay waxay si joogta ah weeraro uga soo qaadayeen masjidka Baabri, iyagoo ugu dambeyn ku guuleystay iney burburiyaan.

22 Decembar 1949-kii ayaa waxaa masjidka Babri soo weeraray kooxo Hinduus ah, waxayna asnaam dhex dhigeen masjidka, waxaana markaas kadib Police-ku ay gebi ahaanba xireen Masjidka, iyagoo ku andacooday in la isku heysto.

3-dii Novembar 1984-tii, ra’iisul wasaarihii Hindiya Rajib Ghandi ayaa soo saaray amar u ogolaanaya Hinduuska iney barxadda masjidka Baabri ka billaabaan dhismaha macbad, sidoo kalena albaabada loo furo masjidka, si ay ugu cibaadeystaan Hinduuska.

6-dii Decembar 1992-dii, kooxo Hinduus ah oo helaya taageerada ciidamada Hindiya ayaa dhulka la simey masjidka Babri, waxaana markaas kadib dhacay dagaallo dhexmaray Muslimiinta difaacanaya Masjidkooda iyo Hinduuska soo xadgudbay.

Dagaalladaas oo sanado badan dhacayay waxaa ku dhintay ugu yaraan 2000 roo ruux, kuwaas oo badankood ahaa Muslimiinta.

Sanadkii 2010-ka, maxkamad ku taalla wadanka Hindiya ayaa soo saartay xukun qeexaya in masaaxada masjidka loo qeybiyo saddex qeybood, saddex meelood marka loo qeybiyana qeyb la siiyo Muslimiinta, halka labada qeybood oo kalena la siinayo Hinduuska.

Arinkaas waxaa si adag uga horyimid Muslimiinta, iyagoona sheegay iney tahay gardaro garab heshey, waxaana tan iyo markaas ay Muslimiintu codsanayaan in loo ogolaado iney dib u dhistaan Masjidka Babri.

Taas bedelkeeda Hinduuska ayaa iyagana ku doodaya in dhulka oo idil iyaga la siiyo, si ay uga dhistan macbad, waxaana xilligaas la dhisay lajnad loogu magacdaray Liberhaam, taas oo qabatay 4000 oo fadhi, oo ay ku eegeyso qadiyadda masjidka Baabri.

Xisbiga Bahartiya oo kamid ah axsaabta xagjirka ee Hinduuska matala, hadana talada wadanka gacanta ku haya ayaa kaalin weyn ka qaatay dumintii masjidka Babri, waxaana qadiyada masjidakn uu u adeegsaday mid uu ku helo codadka Hinduuska marka la joogo waqtiyada Doorashooyinka.

Wejiga sadexaad ee qadiyadda masjidka Baabri, wuxuu soo gebegeboobay maalintii sabtida oo ay taariikhdu ku beegneyd 09-11-2019, waxaana maxkamadda sare ee Hindiya go’aan ku gaartay in dhulka Masjidka Babri lagu wareejiyo Hinduuska oo ay ka dhistaan macbad.

Muslimiinta Hindiya ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamey mid ka dhan ah iyaga, waxayna sheegeen in wax kasta oo dhaca un maalin dib loo dhisi doono masjidka Baabri.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.