Sawirro: Jubbooyinka Oo laga billaabay qeybinta Zakada Xoolaha Nool.

Deegaannada iyo degmooyinka Wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka ayaa laga billaabay qeybinta Zakada xoolaha Nool, kuwaas oo loo qeybiyay dadka muteystay ee uu Alle Qur’aanka ku sheegay.

Goobaha laga qeybiyay waxaa kamid ah degmooyinka Jilib, Saakow, Jamaame, Salagle iyo kuwa kale, waxaana ka faa’ideystay inkabadan kun ruux oo ahaa Fuqaro iyo Masaakiin.

Degmada Jilib waxaa xoolaha Zakada loo qeybiyay illaa 300 oo qoys, 14 kamid ah dadka Zakada loo qeybiyay ayaa laga dhigay kuwa hodon ah kadib markii lasiiyay xoolo ku filan oo ay faqriga uga bixi karaan.

Lix kamid ah dadkaas waxaa lasiiyay min 5 neef oo Geel ah halka shan qof lasiiyay min 30 neef Ari ah, sedaxda kalena waxaa lasiiyay min 10 neef oo Lo’ ah, taas oo ka dhigeysa in sanadaha dhow ee soo socda ay iyaguna bixiyaan Zako.

 

Wilaayaadka Islaamiga ee ku yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay si isdaba joog ah u bixiyaan Zakada Xoolaha Nool oo sanadkiiba mar laga qeybiyo Wilaayaadka.

 

 

You might also like
3 Comments
  1. maxamed says

    الله اكبر ولله العزة ولرسوله وللمؤمنين الله اكبر الله اكبر ولله الحمد

  2. maxamed says

    الله اكبر الله اكبر ولله الحمد الله اكبر ولله الحمد

  3. maxamed says

    الله اكبر

Reply To maxamed
Cancel Reply

Your email address will not be published.