Kenyaatiga Oo lagu Weeraray Qowqaani.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal culus ku qaaday difaacyada ciidamada dowlada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Qowqaani oo katirsan gobollada Jubooyinka.

Dagaalka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay, ayaa waxaa ciidamada Mujaahidiinta ugu suuragashey iney ka dagaallamanaa afaafka hore ee difaacyada Kenyaatiga.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegay in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana la maqlayay qeyla dhaanta ciidamada Kenyaatiga, oo lagu kediyay rasaasta.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee gaaray askarta Kenya, waxaana Qowqaani kusoo noq noqday mudooyinkii dhawaa weerarada tooska ah ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadayaan askarta Kenya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.