Kudhawad 10 askari oo lagu dilay Qarax ka dhacay Awdheegle.
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka ee Shisheeyaha ku wehlinaya degmada Awdheegle ee gobolkaas.
Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa dhaliyay khasaare ba’an oo gaaray ciidamada dowladda federaalka ee lala beegsaday.
Ugu yaraan 7 askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka ayaa goobta ku quur baxay.
Ciidamada dowladda ayaa goordambe aruursaday hilbaha ciidamadii sida ba’an looga qarxiyay, waxaana wejiyadooda ka muuqday caro xoogan sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah.
Awdheegle waa degmo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna marti gelineysaa weeraro isdaba joog ah oo ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo lala beegsanayo Shisheeyaha iyo askarta dowladda federaalka.