Maraykanka Oo duqeeyey Masjid ku yaala Afqaanistaan.

Wararka ka imaanaya wadanka muslimka ah ee Afqaanistaan ayaa ku warmaaya in diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee Maraykanka duqeyn xoogan ka geysteen masjid ku yaala gobolka Faraah ee wadankaas, kaas oo ay ku tukanayeen dadweyne badan.

Duqeynta ayaa ka dhacday masjid ku yaala deegaanka Qajafiin ee hoostaga degmada Bashtard ee wilaayad Faraah, waxaana ku shahiiday ugu yaraan 9 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale, kuwaas oo ay ku jiraan dad waayeello ah.

Xilliga ay duqeyntu dhaceysay ayaa dadka muslimiinta ah waxay tukanayeen salaadda Maqrib, waxaana mar qura ah soo dhacay saaruukh weyn oo dhulka dhigay dhismihii Masjidka, dadkii ku jireyna ka dhigay wax dhinta iyo wax dhaawacma.

Duqeynta kadib, ciidamo katirsan kuwa Shisheeyaha iyo Askarta Xukuumadda Kaabul ayaa kasoo degay diyaarado dagaal, waxayna go’doon geliyeen deegaanka ay duqeynta ka geysteen, taasi oo u muuqata mid ay ku qarinayaan dhibaatada ay geysteen.

Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa ka tacsiyeysay falkan wuxuushnimada ah ee ay ku kacday dowladda Maraykanka, kuna duqeysay masjidka ay ku tukanayeen dadka Muslimiinta ah.

Falkan wuxuushnimada ah ayaa aad looga hadal hayaa wadanka musllimka ah ee Afqaanistaan, waxaana uu markale banaanka soo dhigayaa xadgudubyada xidideystay ee dowladda Maraykanka ka geysaneyso caalamka Muslimiinta.

Horay diyaaradaha Maraykanka waxay duqeyn noocaan oo kale ah la beegsadeen masjid weyn oo ku yaala gobolka Xalab ee wadanka Suuriya, halkaas oo ay ku dileen kudhawaad 100 ruux oo muslimiin shacab ahaa, waxaana xusid mudan in xilligaas Maraykanku si cad u sheegtay masuuliyadda weerarkaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.