Masuul katirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed Oo Afgooye Lagu dilay.
Isku duwihii wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Koofur galbeed Nuur Faarax Nuur oo ku caan ahaa Nuur xawaad ayaa dhintay kadib markii xalay ciidamo maamulkaas ka tirsan rasaas kula beegsadeen degmada Afgooyee e gobalka Shabeellaha hoose.
Ciidamada iyo isku duwaha waxaa soo kala dhex galay khilaaf la xariira cidda qaadaneysa lacago baad ah oo gaadiidleyda looga qaado isbaarada baar Ismaaciil oo ah koontaroolka ugu weyn ee degmada Afgooye, kaas oo ku yaalla halka ay isaga soo dhacaan wadooyinka kala kala yimaada Kismaayo iyo iyo Baydhabo.
Askari ka tirsan ciidamada isbaarada joogay ayaa si bareer ah rasaas ula dhacay sarkaalkaan ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda Koofur glabeed muhiimna u ahaa, taasina waxay sababtay in uu goobta ku dhinto.
Degmada Afgooye iyo magaalooyin kale ayaa si weyn looga hadal hayaa geerida ninkaan uu iska dilay maamulka Koofur glabeed oo ka mid ah maamalada Soomaaliya ka jira ee Shisheeyaha ku daaban gaar ahaan Itoobiya.
Koontaroolka baar Ismaaciil waxaa maalintii ka soo xaroota lacag aad u tira badan, askartuna waxya jeclaan lahaayeen in ay badankeed ama dhamaanteed qaataan halka saraakiisha kale ee maaliyaduna doonayaan in ay iyaga gacantooda ku dhacdo taas ayaana keeneysa in xaaladu gaarto heer nin madaxdii maaliyadda kamid ah la dilo.
Koontaroolada u yaalla maamulada Shisheeyaha la shaqeeya ayaa lgu dhibateeyaa dadka masaafurka ah iyadoo lacag badna looga qaado mararka qaarna waxaa la dilaa dadka safarka ah iyadoo haweenkana la kufsado.