Nidaamka Nuseyriyada Oo gumaad ka geystay Idilib iyo Jamaacaadka Jihaadiga oo la wareegay magaalo Muhiim ah.

Caruur ayaa kamid ah dadka ku dhintay Duqeynta.

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa ku waramaya in ciidamada Nidaamka Bashaar Al-Asad ay duqeymo xoogan ku garaaceen deegaan katirsan gobolka Idlib oo u dhow xuduuda ay wadaagaan wadamada Suuriya iyo Turkiga.

Duqeynta ayaa loo adeegsaday madaafiicda waaweyn ee ka dhacda qoriyaasha culus, waxaana ay ku dhacday kaam qoxooti oo lagu magacaabo Qaax oo ku yaala xuduuda Turkiga, halkaasna waxaa ku dhintay dadweyne badan.n

Ugu yaraan 21 ruux ayaa goobta ku dhimatay, halka inkabadan 60 kalena ay ku dhaawcmeen.

Dhanka kale, dagaalyahannada Jihaadiyiinta ee ku sugan wuqooyiga Suuriya ayaa la wareegay deegaan ay ku sugnaayeen ciidamada Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad.

Deegaanka Al-Masharfiyah oo ah deegaan istiraatiiji ah oo ku yaala gobolka Idlib, bilooyin kahorna ay la wareegeen Nuseyriyada ayaa hadda wuxuu soo galay gacanta Mujaahidiinta.

Askar katirsan ciidamada Bashaar Al-Asad ayaa iyagoo nool nool gacanta lagu soo dhigay, kuwaas oo loo soo gudbiyay deegaannada gobolka Idlib.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.