Qaraxyo silsilado ah Oo Shabeellaha Hoose Lagula eegtay Shisheeyaha.
Gobolka Shabeellaha Hoose oo kamid ah gobollada uu sida adag kaga socdo halganka lagula jiro ciidamada Shiseeyaha ayaa waxaa ka dhacay silsilado weeraro ah oo lala beegsaday ciidamada Uganda.
Kolonyo ciidamo Shisheeye ah oo ku socdaalayay inta u dhexeysa deegaanka Golweyn iyo Buula Mareer ayaa waxaa lala helay qarax xoogan, oo gallaaftay nolosha saraakiil muhiim ah.
Qaraxa ayaa qabsaday ciidamo lugeynayay, waxaana markiiba ku dhintay sarkaal Ugandhes ah oo qaabilsanaa Miina baarista,iyadoona uu la dhintay askari kale oo katirsan ciidamada dowladda federaalka.
Sidoo kale qaraxyo silsilado ah ayaa lala eegtay kolonyo kale oo katirsan ciidamada Uganda, kuwaas oo marayay deegaanka Muuri ee dhaca duleedka degmada Afgooye.
Dhowr qarax oo waaweyn ayaa lagu weeraray kolonyada, waxaana durba basbeeley gaari nooca gaashaman ah oo kamid ahaa kolonyada.
Qaraxyada kadib waxaa dhacay dagaallo fool ka fool ah oo dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Shisheeyaha, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee gaaray Shisheeyaha.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha sida adag loogu naafeeyo Shisheeyaha, waxaana si joogta ah uga dhaca weeraro cul culus, kuwaas oo gallaafta nolosha askar iyo saraakiil shisheeye ah.